Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Dowladda oo ka Xun Dilalkii Dadka Rayidka ah loo Geystey
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:23
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:81
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:246
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:370
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:135
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
May 02 2008
Dowladda oo ka Xun Dilalkii Dadka Rayidka ah loo Geystey
Written by Ali Moallim   
Friday, 02 May 2008

Baydhabo,(insidesomalia.org)-Ra'isal Wasaaraha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo Gudoomiyeha Baarlamaanka ayaa si wadajir ah u cambaareeyay falkii dhawaan Ciidamada Ioobiyaanka ay ku toogteen dad rayid ah oo kusugnaa Magaalada Baydhabo, kadib markii Qarax lala beegsaday.

Labada Mas’uul ayaa si isku mid ah uga hadlay Toogashadaasi ay ku dhaqaaqeen Ciidamada Itoobiyaanka, islamarkaana cambaareeyay falkaasi oo ay ku geeriyoodeen dad aad u fara badan oo rayid ahaa,kuwaasi oo kusugnaa halka qqaraxaasi uu kadhacay oo aheyd meel aad umashquulsan kana mid ah meelaha ugu dadka badan magaaalda Baydhabo oo looyaqaan Afar Irtoodka.

Gudoomiyeha Baarlamaanka Sheikh Aadan Maxamed Nuur Sheikh Aadan Madoobe ayaa waxaa uu sheegay in falkaasi guud ahaan uu Baarlamaanka aad uga xunyahay, islamarkaana ay u tacsiyadeynayaan dadkii eheladooda halkaasi ku geeriyoodeen.

“Waxan u tacsiyaynaynaa falkii dadka rayid ah ay ku dhinteen, kaasoo aan loogu tala galin run ahaantii aad ayaana uga naxnay falkaasi”. sidaasi waxa yiri Sheikh Aadan Madoobe.

Sidoo kale Ra’isal Wasaaraha Dowladda Nuur Xasan Xuseen Nuur Cade oo maalintii arrintaan dhacaysay ka degay Garoonka Magaalada Baydhabo ayaa waxa uu sheegay inuu aad uga xunyahay falkaasi, islamarkaana uu cambaareynayo.

“Waxan aad iyo aad uga xumahay dadkii ay gaartay dhimashada iyo dhaawaca Tacsina waxa aan la qaybsanayaan Gudoomiyaha Baarlamaanka” sidaasi waxa yiri Ra’isal Wasaare Nuur Cade.

Ugu yaraan 15 qof oo rayid ah ayaa ku geeriyootay rasaasta Ciidamada Itoobiya ku fureen dad rayid ah, kuwaas oo qaarkood dhaawac soogaarey ugu dhintay Isbitaalka Magaalada Baydhabo.

Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >